Dowladda oo difaacday dayactir lagu sameynaya xafiiska madaxweyne ku xigeenka

0
374

Xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in uu codsaday 300 oo milyan oo shilin si dayactir loogu sameeyo daarta Harambee House Annex ee magaalada Nairobi iyo hooyga rasmiga ee uu Gachagua ku leeyahay ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Madaxa isgaarsiinta ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka Kenya,Njeri Rugene ayaa sheegtay in labadan xarumood la dayacay in ka badan 15 sano.
Waxay hoosta ka xarriiqday in taasi ay saameysay adeegyada soo dhaweynta , badqabka iyo amniga.
Waxay sheegtay in 100 milyan oo lacagta ka mid ah loogu talagalay in baabuur cusub lagu soo iibiyo.
Rugene ayaa laga soo xigtay in 10-kii sano ee ugu dambeeyay , xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka uu adeegsanayay baabuur duug ah oo ay adkaatay in la sii isticmaalo.
Waxay beenisay warbixinno la faafiyay oo ah in 1.2 bilyan oo shilin ay ku baxaysa dayactirka xafiiska madaxweyne ku xigeenka ee Nairobi iyo hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen iyo ismaamulka Mombasa.