Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku dadaaleysa sidii waddanka dib loogu soo celin lahaa in ka badan 1,000 ruux oo kenyaan ah oo ku xiran qurbaha.
Waxaa uu qiray in kiisaskan badankoodu aynan ahayn kuwo fudud.
Hasa ahaate, waxaa uu Mudavadi dadweynaha u muujiyay sida ay dowladdu diyaar ugu tahay in ay adeegsato dhammaan qaababka dibloomaasiyadeed ee suurtagalka ah si arrintan looga dhabeeyo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Musalia Mudavadi ayaa sidatan sheegay ka dib markii uu qaabilay Stephen Munyakho oo dhawaan dalka yimid ka dib muddo 14 sano ah oo uu ku jiray xabsi ku yaalla Sacuudi Carabiya.