Dowladda oo dib u eegis ku sameysay amar ay dul dhigtay shacabka Waqooyiga Rift Valley

0
310

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa dib u eegis ku sameeyay liiska goobo ka kooban 27 oo uu horay u shaaciyay inay ka baxaan shacabka ku nool.
Meelahan oo ku yaalla Waqooyiga Rift Valley ayuu wasiirku sheegay inay ku dhuumaaleystaan kooxaha burcadda ee 6 ismaamul ka gaysta dilalka iyo dhaca xoolaha.
Kindiki ayaa liiskii hore ka saaray Kabelbo, Nakwamoru, Lobokat, Lokoron, Turkwel iyo Ombollion isagoo dhanka kale ku kordhiyay goobo hor leh sida Ng’elecha, Losokoni ,Laramoru ,Karau, Noosidan iyo Rugus .
Sidoo kale muddo kama dambeys ah oo ku ekeyd shalay subax ayaa hadda ku eg 7:30 fiidnimo ee caawa.
Wasiirka ayaa laga soo xigtay in marka xilligaasi la gaaro uu billaaban doono wajiga labaad ee howlgabka amni ee ka dhanka ah burcadda.
Macluumaadka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa muujinaya in toddobaadii bilood ee ugu dambeeyay kooxaha burcadda ah ay dileen in ka badan 135 ruux oo ay ka mid yihiin saraakiisha amniga oo gaaraya 20.