Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay sanadkan dib u eegis ku sameyn doonto miisaaniyadeeda qaran.
Xilli uu u warramayay warbaahinta Aljazeera ayuu Ruto sheegay in isbeddelka ku yimaada cimillada ee caalamka uu xaaladda abaarta ka sii dhigay mid daran.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dib u eegista misaaniyadda looga gol-leeyahay in sare loogu qaado dadaallada falcelinta ee ka dhanka ah saameynta abaarta.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay in dowladda ay ugu yaraan 30 bilyan oo shilin ku bixisay cunno siinta shacabka, in xoolaha quud loo helo iyo biyo dhaamin.
Ruto ayaa intaasi ku daray in maamulkiisa uu dib u habeyn ku sameynaya sida loo adeegsanaya kheyraadka dowladda si loo badbaadiyo ilaa 6 milyan oo ruux iyo xoolo.
Hadalka madaxweynaha dalka ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii uu shir guddoomiyay kal-fadhiga guddiga hoggaamiyaasha dalalka ee isbeddelka cimillada.
Waxaa uu madaxda dowladaha Afrika ugu baaqay inay adeegsadaan tiknolojiyadda tamarta nadiifka ah si dhaqaale looga helo ilaha hal-abuurka.