Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in dowladda dhexe ay dib u eegis ku sameyn doonto leesimadii la siiyay shirkadaha soo saaro khamriga.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagula dagaallamaya maandooriyaha sharci darrada ah sida xashiishka.
Kindiki ayaa qoraal ku sheegay in cidii u hoggaansameysa xeerarka ganacsigan u degsan aynan jirin sabab ay walaac u muujiso.
Wasiirka ayaa xusay in ka ganacsiga iyo isticmaalka khamriga sharci darrada ah, maandooriyaha la midka ah iyo waxyaabaha saameeya dhimirka ay ku jiraan liiska 5-ta arrimood ee halista ku ah amniga qaran .
Waxaa liiskan qayb ka ah argagixisannimada iyo burcadnimada.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in guddoomiye xaafadeedyada, ku xigeenadooda iyo saraakiisha booliiska ee lacagaha ka qaata dadka soo saaro ama ka ganacsado maandooriyaha sharci darrada ah si ay u badbaadiyaan in aanan goobo kale loo wareejin doonin balse shaqada laga eryaya.
Wasiirka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu fagaaraha Kirubia Stadium ee ismaamulka Tharaka Nithi uu uga qayb galay kulankii saddexaad ee looga arrinsanayay balwadda iyo waxyaabaha kale ee khatarta ah.
Waxaa kulankaasi shir guddoominayay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Chiefs, Assistant Chiefs, and Police officers receiving protection money from illicit alcohol brewers or peddlers of drugs are agents of killers and do not deserve their security management positions. We will not transfer them. We will sack them. pic.twitter.com/uspB2fFPDZ
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) June 12, 2023
To identify, isolate and clamp down on unscrupulous manufacturers of illicit and poisonous alcoholic drinks, the Government will review all licenses issued to manufacturers of alcohol in the country. Those who are compliant have nothing to fear. Some rogue manufacturers ,though… pic.twitter.com/t4BfXN4LjB
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) June 12, 2023