Dowladda dhexe ayaa hakisay qorsho ku aadanaa in wadayaasha baabuurta dadweynaha mar kale lagu tijaabiyo qaabka ay gawaarida u kaxeeyaan.
Go’aanka ay qaadatay wasaaradda gaadiidka ee dalka ayaa ka hor tag u noqonaya shaqo joojin ay ku hanjabeen wadayaasha.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Mr. Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in aan tijaabada la sameyn doonin ilaa 1-da bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la magacaabaya guddi iskudhaf ah oo eegaya tabashooyinka ay qabaan wadayaasha baabuurta.
Waxaa dhammaan saamileyda gaadiidka laga doonaya inay wakiillo iska soo dhex xulaan ugu dambeyn 1-da bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Intaasi ka dib waxaa loo qaban doonaa muddo labo toddobaad ah oo ay wasaaradda gaadiidka kula wadaagayaan talooyinkooda.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in xubnaha ururka ay ku mideysan yihiin wadayaasha baabuurta safro masaafada dheer iyo taan-booyadooda ay maanta billaabaan shaqo joojin ay uga soo horjeedaan tijaabada uu horay shaaciyay maamulka qaran ee gaadiidka iy badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA taasoo hadda dib loo dhigay.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka ayaa sheegay in tijaabada mar labaad la marinaya darawaliinta ay soo billaabatay 9-kii bishii hore ee June.
Geeddisocodkan oo looga gol-lahaa yareynta shilalka ka dhaco waddooyinka dalka ayaa waxaa maray 1, 847 oo wadayaal ah tani oo u dhiganta boqolkiiba 31.




