Maamulka dowladda dhexe u qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee (EPRA) ayaa sheegay inuu yareyn doono miisaaniyadda loo qoondeeyo shirkadaha ka ganacsada shidaalka ee afartii toddobaad ee ugu dambeeyay kordhiyay qiimaha badeecooyinkan.
Waxaa uu maamulku sheegay in qiimaha shidaalka loogu iibgeeyo suuqyada gobolka oo sare loo qaaday ay sababtay gaabad ay dhibaatooyin kala kulmeen gaadiidleyda.
Agaasimaha guud ee maamulka EPRA Daniel Kiptoo ayaa warqad arrinkan ku aaddan u qoray sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta Monica Juma.
Qoraalka ayaa muujinaya in shirkadaha suuqgeeya shidaalka ee kordhiyay qiimaha ay ku iibiyaan saddexda xilli ee soo socoto ee dalka dibadiisa laga soo dejiyo shidaal ay heli doonaan miisaaniyad ka hooseysa intii hore.
Home Wararka Kenya Dowladda oo dhimaysa lacagaha loo qoondeeyo shirkadaha kordhiyay qiimaha shidaalka