Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in sanad maaliyadeedka dambe ay dhaqaale dhan 2.2 bilyan oo shilin ku bixin doonto wax ka qabashada cudurrada aan inta badan lala tacaalin ee saameeya shacabka ku nool deegaannada heer kulkoodu sarreeya.
Xanuunnadan oo loo yaqaano Tropical Diseases ayaa waxaa ka mid ah duumada , daacuunka iyo kuwo kale.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka dalka Susan Mochache ayaa sheegtay in lacagtan ay door wayn ka qaadan doonto in la xakameeyo saameynta ay cudurradan ku leeyihiin horumarka barnaamijka caafimaadka guud ee (UHC).
Mochache ayaa intaasi ku dartay inay kaashan doonaan dowladaha ismaamullada si ay miisaaniyad ugu qoondeeyaan maareynta xaaladahan caafimaad.




