Dowladda oo dad cusub u diiwaangelinaysa barnaamijka Inua Jamii

0
224

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay bartilmaameedsanaysa 5,000 qof oo qayb ka noqonaya barnaamijka lagu taageero qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ,Joseph Motari ayaa sheegay in tani ay ka mid tahay dadaallada ay dowladdu wax uga qabanaysa saboolnimada.
Diiwaangelintan cusub ayaa socon doonto muddo 20 cishe ah.
Motari ayaa xusay in saraakiisha qaabilsan horumarinta bulshada ay diiwaangelinta ka sameyn doonaan deegaan baarlamaneedyada.
Waxaa uu intaasi ku daray in ujeedooyinka arrinkan laga leeyahay ay ka mid tahay in dib loo cusbooneysiiyo diiwaanka dowladda ee waayeellada , carruurta agoonta ah iyo naafada si meesha looga saaro macluumaadka shakhsiyaadka geeriyooday.