Dowladda dhexe ayaa la filayaa inay dhawaan daahfurto qorsho caleenta shaaha ee lagu soo saaro gudaha wadanka loogu iibgeynaya dibadda.
Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xannaaneynta xoolaha ee dalka Mithika Linturi ayaa sheegay in badeecadan loo dhoofin doono suuqyada Australia.
Dhanka kale wasiirka ayaa kulan la yeeshay safiirka boqortooyada Sacuudi Carabiya ku matalo Kenya.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo danjiraha ay ka wada hadleen sida lagu sii xoojin karo iskaashiga dhinacyada badan ah ee ka dhexeya labada dhinac.
Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka daahfuray caleenta shaaha oo loo iibgeeyay magaalada Accra ee dalka Ghana iyadoo laga faa’iidaysanaya ganacsiga xorta ah ee ka dhexeya waddamada qaaradda Afrika.




