Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda ay ciidamo boolis ah gaynaysa dhammaan xarumaha warshadaha soo saaro qaxwada ee dalka.
Waxaa uu sheegay in dhaca laga gaysta qaybaha qaxwada ee wadanka ay khasaare u horseeday beeralayda.
Mr. Gachagua ayaa tilmaamay inay waajib tahay in la soo afjaro xatooyada qaxwada.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay tallaaboyin qaadayso si loo hubiyo in beeralayda qaxwada ay helaan dakhli u dhigma dadaalkooda.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa intaasi ku daray in dowladda ay dib u habayn ku samayn doonto qaybta qaxwada iyada oo meesha laga saarayo dallaalka u dhexeya beeralayda iyo macaamiisha.
Waxaa uu caddeeyay in dowladda ay ka shaqeynayso sidii loo cirib tiri lahaa dadka khiyaano beeralayda si ay uga macaashaan.
Today is one of the most important days to the coffee farmer as we reopened the Nairobi Coffee Exchange Auction .
This is one of the outcomes of the Coffee Subsector Reforms Conference held in June this year. We have brought the farmer to the centre of the coffee auction.… pic.twitter.com/Nne0HnrMUS
— H.E. Rigathi Gachagua, EGH (@rigathi) August 15, 2023
— H.E. Rigathi Gachagua, EGH (@rigathi) August 15, 2023