Dowladda oo ciidamada ammaanka siin doonto agab lagu xaqiijinaya badqabkooda

0
172

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in saraakiisha ammaanka loo soo iibin doono agab casri ah oo naftooda lagu badbaadin karo marka ay la tacaalayaan falal dambiyeedyada kala duwan.
Qalabkan waxaa ka mid ah in ciidamada loo fududeeyo socdaalka dhanka dhulka iyo cirka si aynan waxyeello uga soo gaarin miinooyinka dhulka lagu aaso , adeegsiga tiknolojiyadda looga hor tago sidoo kalena lagula tacaalo dembiyada culus si kooxaha hubeysan aynan saraakiisha u dhibaateyn.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa halyeeyo iyo waddaniyiiin ku tilmaamay saraakiisha amniga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu aynan marnaba hilmaami doonin daryeelka saraakiisha naftooda u huraya badbaadinta kenyaanka iyo ilaalinta hantidooda.
Dhanka kale Prof. Kindiki ayaa laga soo xigtay in sanad maaliyadeedkan la adeegsan doono sanduuq dhaqaale oo loogu tala galay in caymis caafimaad iyo deeqo waxbarasho ay helaan qoysaska saraakiisha la dilay iyagoo ku guda jiro howlahooda shaqo.