Dowladda oo Chuka u dirtay koox baaraysa dilal dhacay

0
416

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Pro. Kithure Kindiki ayaa sheegay in koox ka mid ah saraakiisha dambi baarista loo diray magaalada Chuka ee ismaamulka Meru.
Dambi baarayaasha ayaa dabagal ku soo sameyn doono fal lagu dilay labo ruux kaasoo ka careysiiyay shacabka Chuka oo bannaanbax dhigay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hal qof la dilay toddobaadkii hore midka labaadna la toogtay xilli uu iskudhac dhex maray booliiska iyo dibadbaxayaal caddaalad dalbanayay.
Magaca qofka ugu dambeeyay ee la toogtay ayaa lagu sheegay Willis Kiraku wuxuuna ahaa guddoomiyaha ururka wadayaasha mootooyinka.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa dadweynaha ku boorriyey inay degganaan muujiyaan oo ay fursad siiyaan in la sameeyo baaritaano wax ku ool ah.
Wasiirka oo tacsi u diray qoysaska laba qof ee la dilay ayaa ballanqaaday in cidii falalkaasi ka dambeysay in gacanta lagu soo dhigi doono si looga qaado tallaabo sharciyeed.