Dowladda oo casriyeynaysa bixinta lacagaha howlgabka

0
310

Dowladda dhexe ayaa wado qorsho qaab casri ah loogu bixinaya lacagaha ay qaataan dadka shaqooyinka ka fadhiistay.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in ujeeddada laga leeyahay tani ay tahay in la yareeyo muddada ay qaadato ka hor inta uunan qofka howlgabka noqday helin lacagaha u keydsamay.
Tallaabadan oo uu xusay inay qayb ka tahay qorshaha dhijitaalka ee dowladda ayaa la dhaqangelinaya sanad maaliyadeedkan.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku sheegay in dhammaadkii sanad maaliyadeedkii hore , ismaamullada lagu wareejiyay lacag gaaraysa 400 bilyan oo shilin oo la doonaya inay si siman u qaybsadaan, lacagaha horumarinta deegaannada ee CDF-ta iyo miisaaniyadda ay dowladdu siiso qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul ee waayeellada , carruurta agoomaha ah iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah taasoo dhan 16 bilyan oo shilin.