Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa beenisay in gudaha wadanka laga mamnuucay isticmaalka caagadda loo yaqaano masaasadda ee ay hooyooyinka carruurta caanaha ku siiyaan.
Tani ayaa timid ka dib markii warar arrintan la xiriira ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga.
Dr. Andrew Mulwa sii hayaha xilka agaasimaha waaxda ka hor tagga xanuunnada iyo xoojinta adeegyada caafimaadka ee dalka ayaa wararka la faafiyay ku sheegay kuwo aan sax ahayn.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xeer wadanka ka dhaqangeli doono labo bilood ka dib aan looga gol-lahayn in meesha looga saaro masaasadda.
Hasa ahaate waxaa uu hooyooyinka kula taliyay inay carruurta siiyaan caanaha naaska oo uu xusay inay nafaqo badan u leeyihiin ubadka.