Dowladda oo caddeysay in aan kuwa gaar ah laga dhigi doonin jaamacadaha dowladda

0
252

Hoggaamiyaha wadanka William Ruto ayaa cadeeyay inuunan jirin qorsho ku aaddan in jaamacadaha dowliga laga dhigo xarumo si khaas ah loo leeyahay.
Wasiirka tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu oo madaxweynaha matalayay ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay sii wadi doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso jaamacadaha dowliga ah.
Wasiirka ayaa xusay in loo baahan yahay in culuunta lagu barto jaamacadaha ay noqdaan kuwo si toos ah ula jaanqaadaya baahiyaha shaqo ee jira.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo jaamacado badan ay wajahayaan culeysyo dhaqaale wuxuuna wasiirka waxbarashada kula taliyay inay la yimaadaan qaabab hal-abuur ku saleysan oo ay dhakhli ku abuuri karaan.