Dowladda oo bixisay 41 milyan oo loogu talagalay dadka dhibaatooyinka u nugul

0
300

Dowladda dhexe ayaa billowday bixinta lacago loogu talagalay in lagu caawiyo xubnaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul sida carruurta agoonta ah, naafada iyo waayeellada.
Waxaa ay dowladda shalay bixisay lacag dhan 41 milyan oo shilin, iyadoo u mareyso barnaamijka daryeelka bulshada ee Inua Jamii.
Dhaqaalahan ayaa waxaa ka faa’iideystay ilaa 5,882 qof oo ku nool deegaanka Mwala ee ismaamulka Machakos.
Madaxa arrimaha jinsiyadda iyo horumarinta bulshada ee deegaanka Mwala Francis Musyoki ayaa sheegay in lacagihii ay bixiyeen dadka ka faa’iideystay ay ku jiraan 5,101 qof oo waayeel ah, 649 oo isugu jiro agoon iyo caruurta dhibaatooyinka u nugul iyo 132 ruux oo ah dadka baahiyaha gaarka ah qabo.
Dadkan ayaa la siiyay lacago caddaan ah oo ay u adeegsan karaan waxyaabaha qutul daruuriga ah.
Musyoki ayaa dhanka kale sheegay in qof waliba oo barnaamijka dowladeed iska diiwaangeliyay uu helaya lacag dhan 8,000 oo u dhiganta 2000 oo la siin lahaa bilaha Toddobaaad, Siddeedaad, Sagaalaad iyo Tobnaad ee sanadkan.
Madaxa arrimaha jinsiga iyo horumarinta bulshada ee deegaanka Mwala oo la hadlay wakaaladda wararka dalka ee KNA ayaa sheegay in lacagtan loogu shubay akoonnada bangiyada ee ay ku leeyihiin dadka barnaamijkan ka faa’iideysanaya.
Waxaa uu ka codsaday inay soo booqdaan laamaha bangiyada ee deegaanka si ay lacagtaasi u helaan.
Mr. Musyoki ayaa ugu baaqay ka faa’iidaystayaasha barnaamijkan in hadii ay la kulmaan caqabado marka ay lacagta qaadanayaan ay soo booqdaan xafiiskiisa si loo caawiyo.