Dowladda dhexe ayaa soo saartay lacag dhan 3.2 bilyan oo shilin oo ah miisaaniyadda barnaamijka loo yaqaano Inua Jamii ee lacagaha caddaanka ah lagu siiyo qaybaha nugul ee bulshada.
Lacagtan ayaa ah midii ay waayeellada ay da’doodu tahay 70 sano iyo wixii ka badan , dadka qabo baahiyaha gaarka ah, agoonta iyo carruurta nugul ay qaadan lahaayeen bishii dhammaatay ee June ee sanadkan.
Xoghayaha waaxda badbaadinta bulshada iyo daryeelka waayeellada ee dalka Joseph Motari ayaa maanta shaaciyay in dowladdu ay soo saartay 3,215,992,000 oo shilin.
Lacagtan ayaa loogu talagalay 1,607,996 oo qof halka tiradii taageeradan la siiyay bishii Shanaad ee May ay ahayd 1,037,773 oo qof.
Xoghayaha ayaa xusay in tirada ay sii korortay ka dib markii la diiwaangeliyay 570,263 qof oo dheeraad ah.
Waxaa uu xoghayaha sheegay in lacagtan la qaybin doono laga billaabo maalinka Arbacada ee toddobaadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto amar ku bixiyay in tirada dadka ka faa’iidaysanaya barnaamijkan la gaarsiiyo 2.5 milyan oo qof iyadoo loo maraya wajiyo kala duwan.