Dowladda dhexe ee dalka ayaa soo saartay lacag dhan 2.1 bilyan oo shilin oo loogu tala galay in lagu taageero qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 28-ka bishan labaad la dhameystiro nidaam ay dadkan lacagaha ku heli doonaan qaan casri ah.
Wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka ayaa laga soo xigtay in lacagtan ay ka faa’iidi doonaan dadka iska diiwaangeliyay Barnaamijka Inua Jamii halka sidoo kale loo adeegsan doono barnaamijka sare u qaadidda heerka nafaqada iyo aqoonta dhanka caafimaadka ee (NICHE) .
Xoghayaha joogtada ee waaxda badbaadinta bulshada iyo daryeelka waayeellada Joseph Motari, ayaa bayaan ku sheegay in dowladdu ay bixisay 5,930,000 oo dheeraad ah oo la siinaya dadka ka diiwaangashan Barnaamijka NICHE .
Motari ayaa xusay in ka dib amarkii uu bixiyay madaxweynaha in waayeellada lacagooda billaha ah lagu siin doono adeegga M-pesa.
Waxaa sidoo kale lacagahan la gaarsiinaya carruurta agoonta ah iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Joseph Motari ayaa Shakhsiyaadka dadkan daryeella ku wargeliyay inay iska diiwaangelin karaan adeegga Mpesa iyagoo garaacaya *222# .