Dowladda oo bisha May qaadaysa xayiraadda biraha duugga ah

0
566

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in laga billaabo koowda bisha Shanaad ee sanadkan si tartiib ah meesha looga saari doono xayiraadda saaran ka ganacsiga biraha duugga ah .
Wasiiradda wasaaradda warshadaha ee dalka Betty Maina ayaa arrintan shaaca ka qaadday.
Waxay sheegtay in laga billaabo May , keliya ganacsatada haysta leesin ay uga ganacsan karaan birahan loo oggolaan doono inay ku shaqeystaan.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta mamnuucay in laga ganacsado ama wadanka dibaddiisa loo dhoofiyo biraha duugga ee laga soo saaro agabka kala duwan.
Tallaabadaasi ayaa culeys ku keentay qoysaskii qutul maalmeedkoodu uu ku tiirsanaa ganacsigan.
Go’aanka dowladda ayaa yimid ka dib markii burbur loo gaystay kaabayaasha horumarineed ee gaadiidka iyo isgaarsiinta.