Xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay warar sheegaya in maxkamadda ay waxba kama jiraan ka soo qaaday maamulka NMS.
Dowladda dhexe ayaa maamulkan u xilsaartay fulinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee ismaamulka Nairobi.
Qareenka dowladda dhexe Kennedy Ogeto ayaa sheegay in ay been abuur yihiin warar lagu faafiyay baraha bulshada oo tilmaamaya in maxkamadda ay su’aal gelisay sharcinimada NMS.
Waxaa uu sheegay in sanadkii hore ay ahayd markii uu Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u doodo xuquuqul aadanaha iyo maamul wanaagga oo maxkamadda dacwad u gudbiyay.
Mr. Ogeto ayaa xusay in maxkamadda shaqaalaha iyo shaqaalaysiinta ay caddeysay in maamulka NMS si sharci ah lagu soo dhisay kuna shaqeeyo.