Dowladda oo beenisay in aan la isku dheellitirin horumarka ismaamullada

0
169

Afhayeenka dowladda Isaac Mwaura ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay sheegashadii barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ee ahayd in maamulka madaxweyne William Ruto uunan si siman u horumarin waddanka.
Waxaa uu taasi ku tilmaamay arrin been abuur ah oo dadweynaha lagu kala qaybinaya.
Mwaura oo hadalka guddoomiyaha Nyeri cambaareeyay ayaa ku tilmaamay in uunan ka turjumayn waddaniyad ayna tahay in laga qoomamoodo.
Waxaa uu caddeeyay in madaxweyne William Ruto uu horumar ka sameynaya dhammaan deegaannada waddanka iyadoo aan la eegayn in shacabka halkaasi ku nool ay u codeeyeen iyo in kale.
Afhayeenka dowladda , Isaac Mwaura ayaa dhanka kale guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) iyo waaxda dambi baarista ee (DCI) ka codsaday in ay tallaabo adag ka qaadaan qof kasta oo jeediya hadal nacayb iyo kala qaybin ku saleysan.
Waxaa uu sidoo kale soo dhaweeyay in barasaabka Nyeri Mutahi Kahiga uu iska casilay xilkii guddoomiye ku xigeenka golaha barasaabyada dalka ee (CoG).
Mwaura ayaa dhammaan siyaasiyiinta ka codsaday in ay ku dadaalaan midnimada oo ayna ka fogaadaan in ay u gafaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Amolo Odinga oo geeriyooday.
Dhanka kale , ganacsatada ka soo jeeda Bartamaha dalka ee ku nool ismaamulka Migori ayaa cambaareeyay hadalkii barasaabka Nyeri ee lagu sheegay inuu u muuqday mid ku farxay geeridii Raila Odinga.
Cod- Ganacsatada Migori