Dowladda dhexe ayaa dejinaysa istaraatiijiyado lagu hubinayo in dhaqaalaha ismaamullada la bixiyo wakhtiga ku habboon, si barasaabyada dowlad deegaanada waddanka ay u fuliyaan mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta hadal ka jeediyay shirka maalgashiga ee ka dhacay ismaamulka Kisumu, ayuu sheegay in caqabadaha jira la xallin doono.
Waxaa uu guddiyada qaabilsan miisaaniyadda ee baarlamaanka iyo aqalka sare ka codsaday inay la shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda.
Dowladda dhexe ayaa ilaa hadda bixisay lacagaha ismaamullada ee bishii Oktoobar.