Dowladda Kenya ayaa golaha qaran ee xeer dejinta u gudbin doonto qorshaha lagu doonaya in ciidamada booliiska ee dalka ay qayb ka noqdaan howlgalka nabad sugidda ee wadanka Haiti.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC uu arrinkan ansixiyay.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta dalka Korir Sing’oei ayaa maanta sheegay in barnaamijkan lala kaashan doono baarlamaanka.
Waxaa uu ku celceliyay in qaar ka mid ah ciidamada wadanka aan dal kale la geyn karin iyadoo aan loo helin oggolaansho dastuuri ah.
Korir Sing’oei ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu ansixiyay howlgalka nabad sugidda ee Haiti wuxuuna ku tilmaamay mid taariikhi ah.
Qaraarka uu meel mariyay golaha ammaanka ee jimciyadda ka dhexeysa ayuu tirsigiisu yahay 2699 ee sanadkan.
Dalka Haiti ayay rabshado ka jireen tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii ka dib markii la dilay madaxweynihii wadankaasi Jovenel Moïse waxayna isku dhacyo u dhexeyaan ciidamada ammaanka ee dalkaasi iyo kooxo hubeysan.




