Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Meru Fred Ndunga, ayaa sheegay in si wayn loo adkeeyay amniga xadka ismaamulkaasi uu la wadaago midka dariska la ah ee Isiolo.
Waxaa uu ardayda iyo waalidiinta 7 degmo oo xiga dhanka Isiolo u xaqiijiyay in la diyaariyay tallaabooyin looga hor tagaya in rabshado ay dhacaan xilliga imtixaannada qaran ee maanta billowday.
Mr .Ndunga ayaa xusay in xaqiijinta amniga ay ka shaqeynayaan saraakiil ka tirsan waaxyo kala duwan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xadka Meru iyo Isiolo ay horay u saameeyeen falal burcadnimo iyo dhaca xoolaha gaar ahaan bariga iyo galbeedka Buuri , bariga iyo galbeedka Tigania , waqooyiga iyo bartamaha Igembe iyo deegaanka Mutuati.
Guddoomiyaha ayaa xusay in saraakiil badan oo halkaasi la geeyay ay roondooyin sameyn doonaan .