Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay abaal marin guddoonsiin doonto saraakiisha qaabilsan fulinta amarrada ee si buuxda uga soo baxa waajibaadka ka saaran la dagaallanka ka ganacsiga iyo isticmaalka balwadda.
Waxaa uu xusay in mas’uuliyiintan lagu qiimeyn doono doorka ay ka qaataan howlgalka qaran ee ka dhanka ah maandooriyaha ee hadda socdo.
Kindiki ayaa abaal marinta ku sheegay dallacsiin iyo bixinta billad-sharafeed heer qaran ah.
Waxaa uu ku celceliyay in ujeedada laga leeyahay arrinkan ay tahay in la dhiirigeliyo dagaalka lagula jiro maandooriyaha oo uu xusay inuu saameyn ku leeyahay jiritaanka qoysaska, amniga qaran iyo ka qayb qaadashada kobcinta dhaqaalaha dalka.
Kindiki ayaa xilli uu kulan la qaatay saraakiisha ammaanka iyo sirdoonka ee ismaamulka Nyeri iyo mas’uuliyiinta maamulka ee gobolka Bartamaha wadanka waxaa uu digniin adag u diray shaqaalaha dowladda ee isku daya in ay carqaladeeyaan howlgalka ka dhanka ah maandooriyaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan marnaba laga gabban doonin shakhsiyaadka ama kooxaha ka macaasha waxyaabaha sharci darrada ah.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda dhexe ay shaqaalaheeda ku wargelisay in ay kala doortaan lahaanshaha goobaha lagu caweeyo iyo u adeegidda shacabka.
Waxaa sarkaal kasta oo dowladeed oo leh goob lagu caweeyo lagu amray inuu goobtaasi xiro ama uu iska casilo shaqada uu qaranka u haya.