Wasiirka wasaaradda iskaashatada iyo horumarinta ganacsiyada yaryar ee dalka , Simon Chelugui ayaa sheegay in la soo dhisi doono guddi kormeer ku sameeya maareynta sanduuqa Hustler Fund.
Barnaamijkan ayaa ah mid ay dowladda dhexe ugu talagashay in garab lagu siiyo ganacsatada yaryar iyagoo qaadanaya lacago amaah ah.
Lacagtan ayaa waxaa sanadkiiba qayb ka ah dulsaar dhan boqolkiiba 8.
Simon Chelugui ayaa xaqiijiyay in guddiga kormeerka la soo bandhigi doono toddobaadka soo socdo.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu sheegay in tan iyo markii barnaamijkan la billaabay bishii Diseembar ee sanadkii hore ay dowladdu bixisay lacago amaah oo gaaraya 13.3 bilyan oo shilin.
Waxaa deymahan qaatay ilaa 17.4 milyan oo kenyaan ah oo iska diiwaangeliyay sanduuqan dhaqaale.