Dowladda oo 500 oo milyan ka dhimaysa gunnooyinka safarrada

0
197

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in dowladiisa ay lacag dhan 500 oo milyan oo shilin ka dhimi doonto lacagaha gunnooyinka ee la siiyo mas’uuliyiinta marka ay safarrada u ambabaxaan.
Dhaqaalahan ayaa lagu kabi doonaa waaxda waxbarashada gaarka ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in dhaqaalahan uu door ka qaadan doono in la dhiso xarun lagu soo saaraya agabka ay isticmaalaan carruurta qabo baahiyaha gaarka ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa ku celceliyay in dowladda ay adeegsan doonto raasimaalka dalka iyo waxyaabaha laga heli karo gudaha Kenya si loo soo saaro agabkan oo aan dibadda looga soo dejin.
Sidoo kale waxaa uu xusay in xarunta lagu soo saaraya qalabkan ay isticmaalayaan carruurta qabo baahiyaha gaarka ah in laga hirgelin doono deegaanka Mavoko ee ismaamulka Machakos.
Waxaa halkaasi dhul ku leh machadka qaabilsan waxbarashada gaarka ah ee (KISE).
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ballanqaaday inuunan oggolaan doonin in marnaba dhulkan lala wareego maadaama ay tani caqabad ku noqon karto horumarinta tacliinta khaaska ah.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu shalay soo bandhigayay baabuur loogu talagalay inay isticmaalaan saraakiisha wasaaradda waxbarashada ee guud ahaan wadanka.
Baabuurtan ayuu sheegay inay fududeyn doonaan dhaqdhaqaaqa saraakiisha wasaaradda waxbarashada ee dalka xilliga imtixaannada qaran si ardayda xilliga ku habboon loo gaarsiiyo warqadaha maaddooyinka kala duwan ee ay u fadhiisanayaan.