Dowladda dhexe ee dalka ayaa lacag gaareysa 4 bilyan oo shilin u qoondeysay inay beeralayda ka iibsato galleyda.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu maanta yeeshay golaha wasiirrada ee wadanka.
Qorshaha beerelayda looga iibsanaya galleyda ayaa loo mari doonaa guddiga qaran ee keydinta dalagga ee (NCPB) .
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo isbeddelka qiimaha galleyda.
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa xusay inay muhiim tahay in beeralayda laga caawiyo keydinta iyo qallajinta waxyaabaha uga soo go’o beeraha si uunan khasaare u soo gaarin.




