Dowladda oo 38 bilyan u qoondeysay taageeridda dadka dhibaatooyinka u nugul

0
337

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa dhaqaale dhan 38 bilyan uu shilin u qoondeysay in lagu qarash geliyo barnaamijyada ay dowladda dhexe ku garab istaagayso qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka nololeed u nugul.
Lacagtan ayaa kaalin wayn ka qaadan doonto in la yareeyo heerka saboolnimada.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in dowladda ay sii wadi doonto in ay kordhiso lacagaha la siiyo waayeellada oo heli doonaan 16.7 bilyan oo dhaqaalahan ka mid ah.
7.9 bilyan oo shilin waxaa loogu tala galay agoonta halka 1.2 bilyan lagu caawinaya naafada.
Waaxda daryeelka carruurta ee dalka waxaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhaqaale oo dhan 933.8 milyan oo shilin.