Dowladda dhexe ayaa soo saartay lacag dhan 100 milyan oo shilin oo loogu tala galay dib u dhiska dugsiyada ku burburay weerarrada burcadda ee ismaamullada ku yaalla Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki .
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada difaaca dalka ee (KDF) oo qayb ka ah howlgallada amni ee halkaasi ka socdo ay ka qayb qaadan doonaan dib u dhiska xarumaha waxbarashada gaar ahaan ismaamulka Baringo.
Prof. Kithure Kindiki ayaa xusay in 100-ka milyan loo adeegsan doono in lagu dhiso 300 oo dugsiyo ah.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu fagaaraha Kimalel Grounds ee ismaamulka Baringo uu ku guddoomiyay munaasabad ay ku qalin jabinayeen 200 oo ah booliiska keydka oo uu tababar u soo dhammaaday.
CS @KindikiKithure: We aim to turn the tide in our relentless countermeasures against bandits.
Access to the former hideouts will be sealed off with fortified perimeter fences, leaving no sanctuary for the criminals to exploit. pic.twitter.com/lAM5Rct6gq
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) May 18, 2023
The CS also announced that effective July 1, all National Police Reservists (NPRs) will receive an @nhifkenya cover to cushion them against high out-of-pocket expenses when seeking medical services. pic.twitter.com/LaYXmajvuX
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) May 18, 2023