Dowladda oo 1.4 bilyan u qoondeysay misaaniyadda adeegga korontada ee ismaamulka Siaya

0
260

Dowladda dhexe ee dalka ayaa iyada oo u mareysa wasaaradda tamarta iyo batroolka, in ka badan 1.4 bilyan oo shilin u qoondeysay barnaamijyada korontada lagu gaarsiinaya guud ahaan deegaannada ismaamulka Siaya.
Barnaamijkan ayaa loo adeegsan doona misaaniyadda sanad maaliyadeedkan.
Wasiirka wasaaradda tamarta iyo batroolka ee dalka Opiyo Wandayi ayaa shaaca ka qaaday in shirkadda dowladda dhexe u qaabilsan in adeegga korontada la gaarsiiyo degmooyinka waddanka ee REREC lagu wareejiyay dhaqaale dhan 430 milyan oo shilin.
Waxaa uu intaasi ku daray in shirkadda adeegga korontada dalka ee Kenya Power ay haysato in ka badan 830 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayuu sheegay in loo adeegsanaya fulinta baarnamijkan ee korontada lagu gaarsiinaya dhammaan deegaanada hoose iyo miyiga ee ismaamulka Siaya.
Opiyo Wandayi ayaa xaqiijiyay in dowladda ay ka go’an tahay inay ka dhabeyso ajandayaasha horumarineed ee maamulka madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu xusay in dowladda ay si weyn u maalgalineyso kaabayaasha horumineed ee gudbinta iyo qaybinta korontada ee guud ahaan waddanka.
Wasiirka wasaaradda tamarta iyo batroolka ee dalka ayaa digniin adag u diray shaqaalaha shirkadaha RERREC iyo KPLC, si ay u xaqiijiyaan in adeegyada bixiyaan ay noqdaan kuwa waxtar leh.