Dowladda oo 1.1 bilyan u qoondeysay dadka ay dhibaateeyeen duurjoogta

0
300

Dowladda dhexe ayaa sanadkan lacag gaareysa 1.1 bilyan oo shilin ugu talagashay in magdhow ahaan loo siiyo shakhsiyaadka ay waxyeellada ka soo gaartay duurjoogta.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka ,Peninah Malonza.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay jiraan dhibbanayaal gaaraya 2,600 oo aan weli lacago magdhow ah la siin.
Malonza ayaa carrabka ku adkeysay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay sidii dadka ay duurjoogta dhibaateysay ay magdhow u heli lahaayeen ka hor dhammaadka sanadkan.