Xafiiska xakameynta hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyada ee dalka Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamad Yuusuf oo ah madaxa xafiiska Maaliyadda kooxda Daacish Soomaaliya ee xiriirka la leh kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Syria
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ninkan oo wakiil uga ah Daacish Soomaaliya uu qaabilsanaa bixinta dhaqaalaha, hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaalla qaaradda, islamarkaana uu kaalin muhiim ah ka qaatay inuu gudaha Soomaaliya geeyo dagaalyahanada ajaaniibta ee ka barbar dagaalanta Daacishta Soomaaliya, agab iyo saanad ciidan.
Waxaa la sheegay in ninkan uu kooxda Daacish uu xubin muhiim ah ka ahaa tan iyo sanadkii 2019-kii, wuxuuna warbixino siiyay madaxda kale ee Daacishta Soomaaliya ee kala ah Cabduqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, kuwaas oo horay dowladda Mareykanka ugu soo rogtay cunaqabateyn.
Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqaalaha Daacishta Soomaaliya soo gala inuu yahay mid ay si xoog ah ay kaga qaado dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada magaalooyinka waaweyn, iyadoo ka faaideysaneysa tabar yarida laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee xayiraadda Maraykanka uu ku soo rogay Cabdiweli Maxamad Yuusuf ayaa timid saacado kooban ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadlay ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortaga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta Maaliyadeed ee kooxaha argagixisada ah.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogtay madaxii maaliyadda Daacishta Soomaaliya