Dowladda kenya oo talooyin siisay kenyaanka ku sugan Israa’iil iyo Iiraan

0
143

Dowladda dalka ayaa soo saartay talooyin dhanka badqabka ah oo lala wadaagay kenyaanka ku nool Israa’iil iyo Iiraan oo uu dagaal u dhexeeya.
Xoghayaha waaxda arrimaha qurba joogta ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Roseline Njogu ayaa bayaan ku sheegtay in muwaadiniinta halkaasi ku sugan lagula talinaya in ay aad u taxadaraan.
Waxaa lagu boorriyay in ay iska ilaaliyaan tagidda meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan.
Sidoo kale , waxaa loogu baaqay in ay si dhow ula socdaan warbaahinta maxalliga ah oo ay u hoggaansamaan tilmaamaha maamullada maxalliga ee lagu xaqiijinaya badqabkooda.
Njogu ayaa intaasi ku dartay in ay mudnaan sare siinayaan hubinta badqabka kenyaanka ku nool Bariga Dhexe.
Waxay sidoo kale kula talisay in ay la xiriiraan safaaradaha Kenya ee ku yaalla magaalooyinka Tel Aviv iyo Tehran si loo caawiyo.