Dowladda Kenya oo hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Soomaaliya

0
561

Dowladda Kenya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray ama aadi jiray dalka Soomaaliya.
Tani ayaa ku soo aadeyso toddobaad uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ay la lahayd Kenya.
Maamulka duulimaadyada dalka ee KCAA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duulimaadyada tagaya ama ka imanaya Soomaaliya ay hakad ku jiri doonaan muddo saddex bilood ah.
Waxaa uu intaa ku dartay in hawada Kenya ay soo geli karaan oo kaliya diyaaradaha ha’yadaha gargaarka iyo duulimaadyada qaabilsan caafimaadka ee ka imaanaya Soomaaliya.
Maamulka duulimaadyda dalka ma caddeynin sababta ay u hakisay diyaaradihii ka imaan jiray wadanka Soomaaliya.