Madaxweynaha dalka kenya William Ruto ayaa sheegay in waaxda hal-abuurka dhaqaale ay tahay mid isbeddelaysa oo ay dhallinyarada ku dhiirranayaan in ay dakhli ka helaan afkaartooda.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay diyaarinaysa xeer lagu hagi doono waaxdan si loo ilaaliyo hantida aqooneed.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in waaxda sayniska, cilmi baarista iyo hal-abuurka ay muujinaysa sida ay dowladdu uga go’an tahay ballaarinta aqoonta maskaxeed.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday ka dib markii uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kula kulmay agaasimaha guud ee hay’adda caalamiga ee hantida maskaxeed ee World Intellectual Property Organisation Daren Tang.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa xusay in isbeddel ballaaran lagu sameynaya wax soo saarka sokorta si looga helo shaqo abuur iyo hanti.
Waxaa uu la kulmay xildhibaannada ismaamullada Vihiga, Kakamega, Busia, Bungoma iyo Trans-Nzoia oo laga soo saaro sokorta.