Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha soo saaro waxyaabaha kala duwan ee (KAM) ayaa ku baaqay in la guda galo wada xaajoodyo looga gudbaya xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka.
Shir jaraaid oo ay maanta qabteen ayay ka sheegeen in dibadbaxyada mucaaradka ay wadanka u horseedeen khasaare dhaqaale .
Ururkan ayaa sheegay in maalin kasta oo uu mudaaharaad dhaco in wadanka uu isku celcelis ahaan lumiyo 2.86 bilyan oo shilin.
Mary-Ann Musangi oo xubin ka ah ururka KAM ayaa sheegtay in haddii dibadbaxyada ay sii socdaan ay ganacsatada diiwaangelin doonaan khasaare dheeraad ah.