Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa kenyaanka ku wargelisay in meydad gaaraya 292 oo aan wali la aqoonsan ee yaallaan goobaha meydadka la dhigo ee 3 xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda wadanka.
Waxaa ay shaaca ka qaaday in maalinka Jimcaha ee toddoobaadka dambe meydadkan xarumahan laga saari doono.
Xoghayaha dowladda ismaamulka Nairobi Jairus Musumba, ayaa sheegay in meydadka ay yaallaan saddex isbitaal oo muhiim ah uu maamulka caasimadda gacanta ku hayo.
28 ka mid ah meydadka ayaa waxay yaallaan isbitaalka Mama Lucy, halka 50 ay ku jiraan qolka meydadka la dhigo ee xarunta caafimaad ee Mbagathi.
Sidoo kale 214 oo meydadkan ka mid ah ayaa waxay ku jiraan goobta meydadka la dhigo ee City Mortuary .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo bishii Sagaalaad ee sanadkii hore ay dowladda ismaamulka Nairobi ay aastay 236 meydad ah oo aynan cidna sheegan.
Xeerka caafimaadka dadweynaha ayaa dhigaya in haddii aynan cidna meydka sheegan labo toddobaad gudahooda looga saaraya goobta meydadka la dhigo.
Saraakiisha qaabilsan caafimaadka guud ka dib marka ay maxkamadda oggolaansho ka helaan waxaa u furan inay meydadka si wadar ah u aasaan.
Home Wararka Kenya Dowladda ismaamulka Nairobi oo sheegtay inay xarumo caafimaad ka saari doonto meydad...