Dowladda ismaamulka Mombasa oo xal u raadinaysa dib u dhaca mushaaraadka

0
230

Barasaabka ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay inay maanta heshiis la saxiixan doonaan bangiga KCB.
Heshiiskan labo geesoodka ah ayaa qalinka lagu duugi doonaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19-ka bishan Diseembar.
Is-afgaradka dowladda hoose ee ismaamulka Mombasa iyo bangiga KCB ay goobta loo yaqaano Treasury Square ku gaari doonaan abaare 2-da galabnimo ee maanta ayaa looga gol-leeyahay in wax looga qabto dib u dhaca ku yimaada bixinta mushaaraadka shaqaalaha.
Barasaabka ayaa qoraalkiisa ku xusay inuu maanta ka dhabeyn doono ballanqaadkii uu u sameeyay shaqaalaha dowlad deegaankaasi ee ahaa in la qiimeyn doono dadaalkooda.
Waxaa uu intaasi ku daray in heshiiska uu xaqiijin doono in howlwadeennada ay xilliga habboon helaan mushaarkooda billaha ah.
Nassir ayaa carrabka ku adkeeyay in caqabaddan oo soo noqnoqotay dhowr mar ay niyad jab ku beertay shaqaalaha sidaas awgeedna xal kama dambeys ah laga gaari doono.
maalin ka hor ayay ahayd markii uu shaaciyay in golaha hoose ee ismaamulka Mombasa uu ansixiyay qorshahan.
Barasaabka Mombasa ayaa sidoo kale sheegay in iyadoo la adeegsanaya qaab casri ah ay dib u diiwaangelin doonaan 5,300 qof oo ismaamulkaasi ka howlgalo si meesha looga saaro shakhsiyaadka ku jiro nidaamka mushaar bixinta balse aan dadweynaha u adeegin.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii shaqaalaha caafimaadka ee Mombasa ay soo afjareen shaqo joojin ka dib amar maxkamadeed oo tallaabadaasi lagu joojiyay.