Dowladda ismaamulka Migori oo bixinaysa qarashaadka aaska dadkii ku dhintay shilka

0
259

Dowladda hoose ee ismaamulka Migori ayaa sheegtay inay bixin doonto qarashaadka caafimaad iyo howlaha aaska ee toban qof oo dhawaan shil ku nafwaayay.
Waxaa arrintan xaqiijiyey barasaabka dowlad deegaanka Migori Dr.Ochilo Ayacko.
Khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilka oo uu sababay baabuur xamuul siday ayaa sii kordhay ka dib markii booliiska Migori ay xaqiijiyeen in saddex qof oo dheeraad ah ay ku dhinteen isbitaalka.
6 qof ayaa isla goobta shilka ku dhintay halka afar kale ay geeriyoodeen xilli laga daaweynayay dhaawacyo soo gaaray.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Migori Mark Wanjala ayaa sheegay in baabuurka oo bariis u siday dhanka Isbania uu darawalka xakameyn waayay taasoo keentay inuu gaariga dad jiiro.