Dowladda isutagga imaaraatka carabta ee UAE-da ayaa ballanqaaday in ay Kenya siin doonto lacag dhan 2 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa la tacaalidda saameynta ka dhalatay roobabka iyo fatahaadaha.
Safaaradda Imaaraatka ee magaalada Nairobi ayaa shaacisay in taageeradan dhaqaale la bixinaya ka dib go’aan uu qaatay Amiirka dowladdaasi Sheekh Maxamad bin Zayed Al Nahyan.