Dowladda Haiti oo soo dhaweysay ciidamo ay halkaasi gaynaysa Kenya

0
194

Dowladda dalka Haiti ayaa soo dhaweysay qorsho ay Kenya wadankaasi ku gaynaysa 1,000 ka mid ah ciidamadeeda booliiska si ay uga qayb qaataan howlaha nabad sugidda.
Waxaa qorshahan dhawaan shaaciyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee Kenya Dr. Alfred Mutua.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Haiti ,Jean Victor Geneus ayaa sheegay inay Kenya uga mahadcelinayaan garab istaagga ay sheegtay inay diyaar u tahay in wadankaasi ay u muujiso.
Waxaa dalka Haiti saameeyay rabshado kooxeedka , isqabqabsi siyaasadeed iyo dhibaatooyin baniaadannimo.