Dowladda dhexe ee dalka ayaa loo soo jeediyay inay qabato shirweyne looga arrinsanaya sida lagu xallin karo dhibaatooyinka dhanka wax soo saarka sokorta.
Waxaa baaqan soo saaray agaasime ka tirsan rugta qaran ee ganacsiga oo lagu magacaabo Felix Minda.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay inay muddo 18 sano ah ka soo wareegatay xilligii ugu dambeeyay ee la qabtay shirweyne looga arrinsanaya wax ka qabashada baahiyaha dhinaca sokorta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii kulan la isugu yimaado , saamileeyda kala duwan ay fursad u helayaan inay gudbiyaan aragtidooda ku aaddan sida lagu wanaajin karo maamulka waaxda sokorta ee dalka.
Felix ayaa baarlamaanka xiga ee la soo dhisi doono doorashada guud ee sanadkan ka dib ka codsaday inay diiradda saaraan xal u helidda tabashooyinka warshadaha sokorta soo saaro.