Dowladda dhexe oo la tacaali doonto qiimaha sare ee daynta

0
275

Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay diiradda saareyso sidii wax looga qaban lahaa deymaha uu qiimahoodu sarreeya ee dalka lagu leeyahay.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha Prof. Njuguna Ndung’u ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in xoogga la saaraya sidii loo yareyn lahaa qarashaadka ku baxa waxyaabaha aan muhiimadda wayn lahayn.
Arrintan ayuu wasiirka ka hadlay xilli uu faahfaahin ka bixinayay geeddisocodka diyaarinta miisaaniyad sanadeedka 2023/2024-ka .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sare loo qaadi doono wax soo saarka waaxyaha kala duwan ee dowladda iyadoo hoos loo dhigaya qarashaadka ay u adeegsadaan maareynta howlahooda.