Dowladda dhexe ayaa shaacisay in ay hakin doonto dhammaan howlaha shaqaaleysiinta.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa sheegay in tani looga gol-leeyahay in lagu yareeyo qarashaadka ku baxa mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyadoo la tixgelinaya culeysyada maaliyadeed ee ay Kenya wajahaysa.
Kuria ayaa sheegay in tani ay tahay mid waafaqsan soo jeedintii wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Prof. Njuguna Ndung’u xilli uu 13-kii bishii hore soo bandhigayay miisaaniyadda sanadkan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay u bixiyay amar ah in wasaaradaha kala duwan iyo waaxyaha hoos tago ay boqolkiiba 30 dhimaan qarashaadka ay adeegsadaan.