Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay eedeymo loo jeediyay ciidamada booliiska oo ahaa inay gaysteen dilal sharci darro ah oo ay dibadbaxayaasha u adeegsadeen awoodo xad dhaaf ah.
Wasiirka ayaa sheegay in eedeymahan ay yihiin kuwo been abuur ah oo ay faafinayaan shakhsiyaad uu ku tilmaamay kuwo soo qorsheeyay , maalgeliyay sidoo kalena fuliyay dembiyo culus oo dilal iyo dhaawacyo lagu gaarsiiyay shacab, saraakiisha ammaanka sidoo kalena lagu burburiyay hantida dowladda iyo midda rayidka labaduba.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in hay’adaha sirdoonka iyo baaritaannada ay eegayaan caddeymo wax ku ool ah oo ay heleen si dacwad loogu soo oogo shakhsiyaadka ka dambeeyay rabshadihii dalka ka dhacay toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Bayaanka wasiirka waxaa qayb ka ah in toddobaadkii hore la qabtay hub, daroogo iyo lacago caddaan ah oo la doonayay in lagu sii huriyo rabshadaha.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha la ogaaday ay ka mid tahay in hub ku jiro gacanta shacabka oo sharciyeysan iyo kuwo aan sharciyeysnayn lagu waxyeeleeyay rayid iyo saraakiil amni si eedda dusha looga saaro ciidamada.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dhexdhexaad ka yihiin arrimaha siyaasadeed, qabyaaladeed iyo kooxeysi kale.
Claims of extrajudicial executions by the National Police Service officers are malicious and false. pic.twitter.com/BcRwFwsRtR
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) July 25, 2023