Dowladda dhexe oo ballan qaaday xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada

0
243

Dowladda dhexe ee dalka ayaa ballan qaaday inay xoojin doonto dadaallada lagula dagaallamaya argagixisada.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa xusay in arrinkan ay iska kaashan doonaan waaxyo kala duwan.
Xilli uu ismaamulka Kitui ka furay xarunta gobolka ee tababarrada ka dhanka ah argagixisannimada ayuu Omollo carrabka ku adkeeyay inuunan jirin hal qaab oo lagu xallin karo caqabaddan.
Waxaa uu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la is kaashado iyadoo lala jaanqaadaya la tacaalidda waxyaabaha soo kordhaya ee dhanka amniga.