Dowladda dhexe oo 28 bilyan u qoondeysay qaybaha nugul ee bulshada

0
289

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu lacag dhan 28 bilyan oo shilin u qoondeeyay barnaamijka ay dowladdu ku taageerto qaybaha dhibaatooyinka u nugul ee bulshada sida waayeellada.
Barnaamijkan ayaa hoos taga waaxda qaabilsan badbaadinta bulshada.
Madaxweynaha dalka ayaa arrintan shaaca ka qaaday xilli uu maanta furay shirweynaha badbaadinta bulshada ee dalka oo lagu qabanaya dugsiga dowladda ee KSG ee ku yaalla xaafadda Lower Kabete ismaamulka Nairobi.
Waxaa kulanka ka qayb galay ku xigeenka madaxweynaha wadanka Rigathi Gachagua , guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada ee CoG Ann Waiguru iyo mas’uuliyiin kale.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in laga billaabo 1-da bisha 6-aad ee sanadkan lacagaha loogu talagalay waayeellada ee Inua Jamii in la soo saari doono ka hor inta aan la bixin mushaarka billaha ah ee shaqaalaha dowladda.
Madaxweyne Ruto ayaa laga soo xigtay in boqolkiiba 16.1 ee kenyaanka ay hadda ku jiraan nolol saboolnimo.
Tiradan oo korortay xilligii cudurka COVID-19 ayaa gaartay 8.9 milyan oo qof.