Dowladda dhexe iyo UNHCR oo iska kaashanaya daryeelka qaxootiga

0
411

Dowladda Kenya iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee (UNHCR) oo is kaashanaya ayaa soo saaray guddi eegi doono xal u helidda dhibaatooyinka ay wajahaan qaxootiga ku nool wadanka.
Guddigan isku dhafka ah ayaa ka shaqeynaya inuu soo saaro qorsho ballaaran oo wax loogu qabanaya barakacayaasha iyo qaxootiga.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayaa ah in la yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka baniaadannimo.
Xoghayaha ayaa xusay inay diirada saari doonaan barnaamijyada horumarineed ee sare loogu qaadaya awoodsiinta qaxootiga si ay nolol ahaan isugu filnaadaan.
Waxaa qorshahan shaaca ka qaaday xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka Julius Bitok.
Kenya ayaa hadda waxay hooy u tahay ugu yaraan 800,000 oo qaxooti ah .
Dadka magan galya doonka ah ee ku sugan wadanka ayay tiradoodu kor u dhaafaysa 577,000 qof.